Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Gulled ayaa goordhow shir Jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Kismaayo kadib kulan labo maalmood socday oo halkaasi ku dhex maray labada dhinac.
Qodabada heshiiska ay gaareen wasiirka iyo maamulka kmg ee Jubba ayaa ah in col Barre Hiiraale iyo ciidankiisa loo ogolaado inay gudaha Kismaayo la keeno oo soo galaan ka dib, Barre iyo Saraakiil la socoto loo sii gudbiyo magaalada Muqdisho, shirka dib u heshiisiinta qeyb ka ahaado.
Hadaba Hoos ka dhagayso Axmed Madoobe oo shirka Jaraa’id ka hadlaya
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/10/Axmed-Madoobe.mp3]Idale News Online