Axmed Madoobe oo dowlada u sheegay in uu yahay AlShabaab Kismaayana uusan soo gali karin

0
242

Hogaamiyaha maamulka Juba, Axmed Madoobe ayaa waxa uu wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya u sheegay in ciidamada ku sugan deegaanka Goob-weyn ee duleedka Kismaayo halkaasi oo Barre Hiiraale uu uga dhuumaaleysanayo maamulka Kismaayo ay yihiin dagaalamayaal Shabaab ah ee aysan aheyn ciidan dowlo.

Hadalkaan Axmed Madoobe ee adeega badan ayaa waxa uu yimid kadib markii ay kulmeen wasiirka Arimaha gudaha oo shalay gaaray magaaladaasi una bandhigay maamulka Kismaayo in ciidankaasi Goob-weyn ku sugan ee Barre Hiiraale uu hogaamiyo dib loogu soo celiyo Kismaayo.

“Ciidanka Goob-weyn ma aha ciidan dowlado, waxa ayna u shaqeeyaan Shabaab. Maalin kasta Shabaab ayaa waxa ay Kismaayo kasoo weeraraan Goob-weyn. Hadii ciidankaasi ay yihiin kuwa dowlo, dagaal ayaa dhex mari lahaa ee inta lasoo hareer maro innaga nalooma soo gudbeen,”Axmed Madoobe ayaa u sheegay Cabdi Kariim Guuleed.

Kulankii ay wada yeesheen Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku dhamaaday natiio la’aan iyada oo maanta lagu balansanyahay kulamo kale si arinta khuseysa ciidamadaasi meel leesula dhigo.

axmed-madoobe

Idale News