Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya sidoo kale xubno ka ah Baarlamaanka Federaalka, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa lagu dhax arkayay Shirarka ay hoteelada ku yeeshaan Baarlamaanka iyaga oo olole xoogan wada. Xubnahan Wasiirada ah oo markii hore laga dhax xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in Siyaasada ka dambeesay in ay Wasiiro noqdaan ay aheed in Dowlada ay bad baadiyaan marka ay timaado Mooshin ama culees Siyaasadeed oo ka yimaada Dhinaca Baarlamaanka. Kulamada Caadiga ah ee Baarlamaanka ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho inta badan laguma arki jirin Wasiiradan sidoo kale katirsan Baarlamaanka, waxaaa hada muuqda in ay wadaan guluf ay ku bad baadinayaan Madaxweynaha oo intooda badan Wasiiro ka dhigay. Kulan shalay ka dhacay Hotelka Jaziira ee yeesheen Xildhibaano siyaasad ahaan Taageersan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dhax arkayay qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo kulankaasi fadhiya aadna ugu ololeenaya Madaxweynaha kana soo horjeeda Xildhibaanada Madaxweynaha ugu baaqay in uu is casilo. Wasiiradan ayaa sidoo kale ku mashquulsan kala fur furka Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha ee diyaarinaya in ay Mooshin ka geeyaan , waxaana Wasiiradan si gaar ah loogu xilsaaray Xildhibaanada ay isku qabiilka yihiin in ay ka dhaadhiciyaan taageerida Madaxweynaha iyaga oo adeegsanaya balan qaad iyo sidoo kale lacago. Sawirada idin Muuqda waxaa Xubno katirsan Golaha Wasiirada sidoo kale xubno ka ah Baarlaaanka kuwaa oo shalay goob jog ka ahaa kulan ka dhacay Hotelka Jaziira , waxaana Golaha Wasiirada Xukuumada R/Wasaare Cabdi Wali ku jira in kabadan 30-Xildhibaan oo Baarlamaanka laga soo dhax xulay oo kamid noqoshadooda Wasiirada ay Siyaasad ka dambeesay.