Daawo Saraakiil Shiinees ah oo Mareykanka ku daray Liiska Dambiilayaasha la raadinayo.

0
164

Dacwad Oogaha guud ee dalka Maraykanka, Eric Holder ayaa soo saaray, saman uu ku dalbanayo in si kasta oo ay suura gal u tahay, cadaalada loo hor keeno, saraakiil tiradoodu shan dhan tahay oo ka tirsan milatariga dalka Shiinaha, kuwaas oo Maraykanku u haysto inay jabsadeen, xogaha lix shiradood oo gaar ahaan u khusaysa, ikhtiraacyadooda aanay wali soo bandhigin.

Sidoo kale waxa saraakiishan milatariga Shiinaha ka tirsan ee Sawiradooda la soo bandhigay, qabashadoodana la dalbay, lagu eedeeyay inay macluumaadka ay ka xadeen shirkadaha Maraykanka siiyeen shirkado tartan ka dhexeeyo oo dalwada Shiinuhu leedahay.

Tani waa tuugo la xidhiidha sir ganacsi oo laga xaday shirkado, ayna xadeen tuugo ka tirsan ciidamada Shiinuhu, markaa

si kasta oo ay noqoto cafin mayno, oo cadaalada ayaanu hor keeni doonaa, waxaanan leeyahay joojiya dhibtan, sidaa waxa yidhi dacwad oogaha guud ee Maraykanka Eric Holder .

china
china

Idale News Online