Gabadh Fanaanad Ah oo u dhalatay waqooyiga Kuriya, xidhiidh jacaylna oo aad loola wada socdayna u dhexeeyay, hogaamiyaha dalkaas, Kim Jong-un, ayaa lix bilood ka dib markii warbaahinta reer galbeedku baahisay inuu toogasho ku dilay hogaamiyaha dalkeedu, fagaare ka soo daahirtay kana hadashay xaaladeeda.
Gabadhan fanaanada ah oo lagu magacaabo, Hyon Song Wol, ayaa ka hadashay kulan dadka fanka ka hawl gala ee dalkaasi ku qabsadeen caasimadda dalkaas ee Pyongyang, waxaanay sheegtay inay hogaamiyaha dalkooda taageersan tahay, bilaabina doonto dedaal kor loogu qaadayo fanka dalkaas oo ay hormood ka noqon doonto.
Hadalka gabadhan oo toos looga sii daayay telefishanka dalkaas, waxa uu beeninayaa sheegashadii reer galbeedku ku doodayeen inuu toogasho ku dilay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.