Wasarada Warfafinta DF Soomaaliya oo qorsheynaysa in aas qaran loo sameeyo Marxuum Tubeec.

0
181
 Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo la kulmay xubno ka tirsan fannaaniinta hoballada Waaberi ayaa kala hadlay qaban-qaabada aaska Marxuumka, wuxuuna u sheegay in la maamuusayo.

Mustaf  Dhuxulow ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafiinta ay tacsi u dirasoy dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuumka.

 Qaar ka mid ah abwaannada Hoballada Waaberi oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in fannaaniin badan oo qurbaha ku nool ay ka qeyb-gali doonaan aaska Maxamed Saleebaan Tubeec.
alle ha unaxariiste, abwaan maxamed suleymaan tubeec ayaan ka galey funta soomaaliyeed baa; dahab ah.
tubeec
Idale News Online