Wararka Dibadda:Daawo Sawirradda Ragii Baasabooradooda laga xaday ee loo maleenayo in Diyaaradii Malaysia lagu haligay oo hadlay.

0
189

Malaysiya: Weli waxaa la´la yahay oo lagu guuldareeystay in la soo helo raqda ama Meeydka dad lagu sheegay 239-qof oo raacay diyaarada Boeing lambarkeeda 777 taas oo laga leeyahay wadanka Malaysia kuna sii jeeday magaalada Peking ee dalka China.

Diyaaradaan oo loo badinayo in hawada sare lagu qarxiyay waxaa si toos ah oo aanan qarsooneyn Baasabooro bug ah ugu raacay 2 nin oo kala watay labo Baasaboor oo laga soo xaday rag u dhashay dalalka Talyaaniga iyo Austria. Raga Baasabooradooda iyo magacyadooda laga soo dhex helay Liiska diyaarada ayaa waxaa la xariiray oo soo qabtay Booliiska dalalka Talyaaniga iyo Austria.

Nimankaan oo Baasaboorada xili hore laga xaday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Luigi Maraldi iyo Christian Kozel waxayna sheegeen inay yaabeen markay maqleen in ay dhinteen ama ku jireen liiska rakaabkii Diyaarada Malaysia Air raacay.

Christian Kozel oo 60 sano jir ah ayaa xili uu saxaafada la hadlayay waxa uu sheegay in Baasaboorkiisa looga xaday Hotel ku yaala wadanka Thailand mudo hada laga joogo 2 sanadood wixii intaas ka dambeeyana uu sameeystay Baasaboor cusub . basaboor_la_xaday_2 basaboor_la_xaday_3 m

Idale News Online, Maleysia.