General Galaal oo sheegay in Al Shabaab aysan lahayn awood ay kula dagaalanto Ciidanka Dowladda iyo Amisom.

0
226

General Maxamed Nuur Galaal, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Al Shabaab aysan lahayn awoodii, ay iskaga celin laheyd Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo kaashanaaya Ciidamada Amisom.

Ciidamada, ayaa waxay toddobaadkii hore ay bilaabeen hawlgaladii dalka looga saari lahaa Xarakada Al Shabaab, markii loo arkay in ay khatar ku tahay horumar Soomaaliya.

General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab uu saaran yahay culeys xoogan.

Wuxuu kaloo sheegay in Al Shabaab ay isaga baxeyso Magaalooyinka ay gacanta ku heyso, sababo ku aadan iyagoo aan lahayn buu yiri awoodii ay iskaga celin lahaayeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

General Galaal, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Dowladda iyo Amisom ay qaadeen gulufyo waaweyn, oo meesha looga saaraayo Ururka Al Shabaab, oo weli ku sugan qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

General-Galaal

Idale News Online.