Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowlahada Hoose Oo Shaacisey Amaro Adag Una Digtey Siyaasiyiinta Duminaya Dowlada KGS

0
208

Baydhabo(INO)-Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Maanta Shaacisey in aan la qaban karin Shirar Siyaasadeed aysan Ogeyn  wasaarada arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose  iyo Weliba Wasaaradda Amniga.

Go’aankan ayaa maanta Ka Soo Baxay Kullan Maanta ay isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aden taaso ka dambeysey ka dib markii ay soo baxeen Siyaasiyiin Doonaya inay Doortaan Madaxweyne Cusub Oo Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yeelaneyso iyagoona doonaya inay xilka ka tuuraan Madaxweynaha KGS oo Mudo sanad ah uu haayey Xillkaasi.

Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose C/raxamaan Ibraahim Aden Sate iyo Wasiirka Amniga C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey, ayaa maanta Si wadajir ah saxaafadu ugu hor sheegeen.

“ Maanta iyo waxii ka dambeeyo Lama qaban Karo shirar siyaasadeed oo ogolaansho looga haysan wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose, huteelada iyo Goobaha kale ayaan ku wargalinayna Ee Degaanada KGS, kuwa doonaya inay Carqaladeeyaan Dowladda KGS waan ka hortageyna” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha C/ raxamaan Ibrahim Aden Sate.

Dhan kale wasiirka amniga Ee Dowlda Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa isna u digey siyaasiyiinta Doonayaan inay shirar siyaasadeed  Ka dhanka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku qabsadaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,kuwaasoo uu ku sheegey ina yihiin kuwo mar kale dhalinayo food iyo is jiid jiid siyaasdeed oo aan dhamaad lahayn, waxana uu tilmaamey  in laga wada Shaqeeyo Dhowrista sharciga iyo Amniga KGS.

Ugu dambeyntii, kullanka  Gollaha wasiirada Ee Koonfur Gallbeed Soomaaliya waxaa Xoogaga Lagu saarey ka hadalka  arimaha Daadadka  oo degaanada KGS ay ku dhufteem isla  markaana khasaaro nafeeed iyo mid hantiyadeed ay geeysteen iyo Arimaha Amniga.

Idalae News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here