Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay xafladda furitaanka guddoomiyaha naxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari] iyo sidoo kale wasiirro iyo xildhibaanno.
Guddoomiyaha baarlamaanka, Jawaari oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay sheegay in xildhibaannada kulanka soo xaadiray ay yihiin 141-xildhibaan.
Sidoo kale, Jawaari ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu baarlamaanka Soomaaliya qabtay kalfadhigii lixaad, isagoo xusay in baarlamaanka uu shaqooyin badan qabtay, balse hadda ay shaqo intaa ka badan u taallo.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xildhibaanada ka maqan fadhiyada baarlamaanka, wuxuuna digniin u diray digniin u diray xildhibaanada maqan; isagoo ugu baaqay inay kulammada kasoo qayb-galaan.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka hadda ku sugan yahay ka mid ah.
Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia uga mahad-celiyay shaqadii ay soo qabteen lixdii kal-fadhi ee midkan ka horreeyay, wuxuuna intaa ku daray in shaqo fiican uu baarlamaanku qabay, haddana laga sugayo inuu dar-dar-geliyo howlihiisa shaqo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u haray hal kal-fadhi, markaasoo xilligiisa uu soo xirmayo, iyadoo lagu wado in kal-fadhigan iyo kan soo socda ay qabtaan howlo badan oo horyaalla.
Idale News Online, Muqdisho