Baydhabo(INO)- Ka dib markii mudo sanad ah oo ay jirsatey Dowladda KG Soomaaliya Isla markaana uu gaabis ahaa hanaanka siyaasadda iyo hormurka Degaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya, ayaa hadda waxa soo baxay siyaasiyiin Mucaarad ah oo Ka careysan arintaasi isla markaana wax ka dhiseen Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Siyaasiyiintan oo caan ka ah Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegey inay doonayaan in si qasab ah ay xilka ugu tuuraan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aden, iyagoona qaar ka mid ah soo noqdeen qab qabliyaal dagaal, Xilgii uu socodey colaadii sokeeye Ee Soomaaliya.
Sida lagu soo waramayo, waxa soo baxaayo dhiilo ku aadan qaabka ay ku socoto dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoona sida la sheegey gebi ahaanba ay doonayaan inay burburiyaan dowladda KGS isla markaana dib looga noqdo dhismaheeda mar kale.
Ilo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta Idale News Online, u xaqiijiyeen in siyaasiyiintan ay mid yihiin Shiino Macalin Nuurow iyo Maxamed Nuur Bukurow iyo kuwo kale kuwaaso dhawaanahan laga waayey saaxada Siyaasadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii muujadaha siyaasiyiin waa weyn ay quusiyeen iyo weliba iyagoona lagu eedayey inay yihiin kuwo lagu shubto.
Maxamed Nuur Bukurow oo la Hadley Idaacada VOA-da ayaa sheegey in markii uu soo gebo gaboobo dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana la doorto Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa la bilaabi doono doorashada Madaxweynaha si Dowladda KGS ay ugu baxdo KMG-da.
“ ballantu waxay ahayd mudo hal sano ah oo KMG ah, marka waa sharci in la doorto madaxweyne cusub oo aan KMG ahayn oo yeesho Maamulka, waxaa loo baahan yahay Isbedel” ayuu yiri Bukurow.
Huteelka Bayern munich Oo Ku yaalo dhabarka damabe Ee Xabsiga Weyn Ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegey inay siyaasiyiintu ay isku aruursanayaan, iyagoona taagyeero ka raadinaya oday dhaqmeedyo cusub oo ay doonayaan in sameystaan, si ay u dhacdo gorgortan xilka looga qaadayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden.
Si Kastaba ha ahaatee, Guuxa dad weynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa sanad ka hore 6 Gobol iyo 3 Gobol, iyadoona is jiid jiid siyaasadeed oo dheer ka dib lagu heshiyey in la dhismo Maamul ka kooban 3 Gobol Ee KG Soomaaliya, wallow dad badan ay aysan ku qanacsaneyn heshiiskaasi Maadama Urur Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasada Soomaaliya Ee UNSOM ,Ururka Midowga Yurub iyo DF Soomaaliya ay u arkayeen kuwo dano siyaasadeed ka leh Dhulka Qormiyadda Digil iyo Mirifle( Raxanweyn) kala qiibistiis.
Ugu dambeyntii, Gollaha Wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshey Magaalada Baydhabo ayaa waxay u digey siyaasiyiinta ku hawlana arintaasi inay ka waantoonbaan waxa ay wadaan.
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo