Xarakada Al-Islaax ayaa shaaca ka qaaday arrimo fara badan oo horyaala hoggaankeeda cusub, isla markaana kulan ballaaran oo ay yeesheen ka soo saaray warsaxaafadeed ay ku faahfaahineyso mabaadii’deeda, wuxuuna u qornaa bayaanka sidaan:-
Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako Islaami ah oo ka shaqaysa ku dhaqanka Diinta Islaamka; iyo sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da iyo akhlaaqda Islaamka.
Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas.
Nidaamka iyo hogaanka Islaax
Ururka Islaax wuxuu leeyahay xeer iyo nidaaam haga hawlihiisa iyo hogaankiisa. Nidaamka ururku wuxuu qeexayaa in hogaanka ururka la doorto shantii sanoba mar.
Haddaba Golaha Shuurada (Golaha Dhexe) ee ururku wuxuu xilli kale oo shan sano ah u doortay Dr Cali Baashe Cumar Rooraaye guddoomiyaha ururka ee shanta sanno ee soo socda (2013-2018).
Islaax iyo marxaladan cusub
ururka Islaax waxaa looga bartay u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed, iyo ka shaqaynta danta guud ee dalka. Sidaas darted, hogaanka cusub ee ururka waxaa horyaalla hawlo culus, oo ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaa umadda Soomaaliyeed laga sugayaa inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato deganaanshaha iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Hayeeshee waxaa muuqata habacsanaan xagga amniga iyo khilaafaad siyaasadeed oo sii baahaya.
Haddaba, dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ay tahay siidii uu u taabbagelin lahaa hanaankiisa dawladeed. Waxaa loo baahan yahay midnimo iyo wadajir in marxaladan lagaga gudbo.
Marxaladan hawlaha islaax waxaa ka mid noqonaya:
1) Adkaynta Faafiinta Diinta islaamka iyo barashadeeda oo ku salaysan fahmiga wasadiga ah.
2) Xoojinta hawlaha samafalka iyo taakulaynta bulshada soomaaliyeed
3) Xoojinta hawlaha waxbarashada iyo baahinteeda.
4) In Islaax kaalin mug leh ka qaadato hawlaha siyaasadda iyo taabbagelinta dawladnimada Soomaaliya, waxayna dhiirrigelinaysaa sidii loogu gudbi lahaa hirgelinta hanaanka axsaabta badan, oo saldhig u noqda siyaasadda Soomaaliya.
5) Xoojinta kaallinta bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan ay ku leeyihiin horumarinta arrimaha bulshada.
Waxa ururka islaax ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo xoojinta deganaanshaha Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta mabaadi`da deris wanaagga laguna dhammeeyo arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee maamul gobolyada wadahadal iyo istixgelin iyo walaaltinimo.
Ururka islaax wuxuu ka xun yahay dhibaatada culus ee wadamada Carabta ee aan walaalaha nahay ka jirta. Wuxuu ururku cambaaraynayaa afgambiga milateriga iyo xasuuqa shacabka ee ka dhacay dalka Masar iyo xasuuqa loo geystay shacabka Suuriya. Waxaa ururku ku baaqayaa in la dhowro doonista shucuubta, xuquuqdoodana la ilaaliyo, iyadoo la ogsoonyahay in xilligii kelitaliska iyo ismaquunintuna uu dhamaaday.
Dhanka arimaha gudaha ee ururka islaax: waxaan cadaynaynaa inaysan jirin in Ururka islaax iyo kooxda damjadiid ay midoobeen, balse xubno Islaax ka tirsanaan jiray, oo Sheekh Maxamed garyare horkacayo ayaa ururka islaax ka tegey oo Damjadiid ku biiray.
Waxaa kale oo xusid mudan in kooxda DAMJADIID ay ka samaysmeen xubno ururka ahaa , oo la qabsan waayay ururka iyo hanaanka shaqadiisa, oo isaga tegey ururka Islaax, ka dibna ku biiray ururkii maxkamadaha Islaamiga 2006.
Allahu Akbar Walilahil Xamdu
Dr. Axmed Xassan Al-qudbi
Af-hayeenka Ururka Islaax
Idale News Muqdisho