Madaxweynaha maamulka Jubba, xaruntiisuna tahay magaalada Kismaayo ayaa ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho xilli halkaasi lagu wado in maalinta berito ah lagu soo gabo-gabeeyo shirweynaha qaran ee halkaasi ka socda.
Axmed Madoobe ayay wararku sheegayaan in uu ka qeybgali doono xiritaanka shirkaasi oo lagu mado in maalinta berito ah la soo gunaanado.
Safarka Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu caasimadda ku yimaado tan iyo sidii loogu doortay madaxa maamulka Jubba.
Dowladda federalka iyo Axmed Madoobe ayaa heshiis ku wada gaaray dhawaan magaalada Kismayo halkaas oo ay dowladdu ugu aqoonsatay mudo 2-sano ah madaxweynaha maamulka Jubba.
Idale News Muqdisho