Madaxweynaha Ruushka Oo Hanjabaadii Ugu Adkayd Abid Hawada U Mariyay Maraykanka

0
170

index

Madaxweynaha Ruushka ayaa si kulul u weeraray dedaalka dalka Maraykanku ugu jiro, in uu weerar ku qaado dalka Suuriya, waxaanu golaha wakiilada (Congress)-ka Maraykanka uga digay in ay ogolaadaan duulaan lagu qaado dalka Suuriya. 

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wasiirka arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ku tilmaamay inuu ka been sheegay xaqiiqada Suuriya markii Congress-ku waydiiyay Argagixisada ka jirta, waxaanu sheegay in ay muuqato in Maraykanku ka hor dhacayo, natiijada baadhitaankii khubaradii qaramada midoobay ee loo diray Suuriya. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa hanjabaadii ugu adkayd tan iyo intii midowgii  soofiyeeti burburay u diray Maraykanka, waxaanu sheegay in haddii Washington Kaligeed Go’aansato Inay Suuriya Weerarto, ay dawladiisuna siin doonto gantaalaha ugu danbeeya ee difaaca oo aan la malaysan Karin awoodooda.

Idale News Muqdisho