KISMAAYO(INO)- Diyaarado Dagaal ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay duqeeyen deegaan ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo la aaminsan yahay in lagu weeraray dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Deegaanka Kaamjaroom oo ku dhaw Deegaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa la soo wariyay in Dhowr gantaal ay ku dhufteen Diyaarado dagaal.
Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in halkaasi lagu bartilmaameedsaday xubno Shabaab ka tirsan, inkastoo Saraakiisha ay diideen inay bixiyaan macluumaad dheeri ah oo ku aadan cida sida dhabta ah Bartilmaameedka uu ahaa.
Saraakiisha Jubbaland ayaa sidoo kale ku soo gaabiyay Diyaaradaha Duqeynta fuliyay kuwa ka mid ah kuwii horay Shabaab ugu duqeeyay Jubbaland inay yihiin, waxa ay dhanka kale ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Diyaaradaha ay ka soo daateen ciidamo si gaar ah u tababaran oo ilaa hada aanan la cadeyn karin inay Ajaanib yihiin iyo inay Somali yihiin, kuwaasi oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka.
Diyaaradaha dagaalka ayaa markii hore waxa ay Duqeymaha la beegsan jireen Deegaanka Beerxaani oo Saraakiil Shabaab ka tirsan ay ku sugnaan jireen, hayeeshe iminka waxaa suuragal ah si xeelad ah Xubnaha Shabaabka Saraakiishooda inay u dageen deegaanka Kaamjaroom, kadib markii ay bateen Duqeymaha Diyaaradaha Beerxaani.
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada Duqeymaha Diyaaradeed ee xalay lagu garaacay Deegaanka Kaamjaroom ee Gobolka Jubbada hoose.