Baydhabo(INO)- Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe howlgallo ka sameynayay degaanno ka tirsan gobolka Baay gaar ahaan degaanno ku dhow magaalada caasimadda ah ee Baydhabo.
Taliye xigeenka ciidanka booliska Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Caracase oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada booliska ay dib ugu laabtaan furumaha dagaalka si ay u gutaan waajibaadka saran.
Ciidamada booliska Koonfur Galbeed oo dhowaan ka soo laabtay furamaha dagaalka ee gobolka Bay meelo kamid ah oo ay isaga soo horjeedaan dagaalyahannada hubeysan ee Xarakada Alshabaab ayaa hadda ku sugan xarumo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo.
“Ciidamada waxaan amrayaa inay dib uga baxaan Baydhabo oo ay aadaan furumaha dagaalka 24 saac baa laga rabaa in ciidamadu ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadeen oo ay kamid tahay Goofaduud” ayuu yiri taliyaha.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Baydhabo oo ay ka socoto qabanqaabada doorashooyinka xildhibaannimada wuxuuna sheegay in qof askari ah uusan qorin Karin ergada wax dooranaysa.
“Askarigii lagu helaa isagoo wax dooranaya oo ergada kamid ah tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri taliye xigeenka booliska Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyntii, Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray dagaallo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kuwaas oo ciidamada Koonfur Galbeed iyo Alshabaab ku dhexmarayay degaanno ka tirsan Gobolada KGS.