Muqdisho(INO)- Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa wuxuu ka hadlay Qarashka ku baxay Difaaca Badda Somaliya, halka Dowladda ay ka keentay.
Isaga oo ku sugan dalka Mareykanka Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog, ayaa wuxuu ka hadlay Dhaqaalahaasi halka laga keenay, waxaana uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay lacagtaasi.
Wasiir Hadliye ayaa sheegay Qarashka la siiyay Qareenada Difaacaayay Badda Somaliya inay tahay lacagta Imaaraadka Carabta ay bixisay, Wasaarada Arimaha Dibada Somaliyana ay soo qaaday.
“Wax badan kama maqlin laakiinse waxaan ku jiraa dadka ka shaqeeyay arrintaasi, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lacagta keentay, annaga ayaa lacagta looyarada ka keennay wadamo kale, gaar ahaan waxaan ka keennay wadanka Imaaradka.” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gebeeyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa War Saxaafadeed uu Xafiiskiisa ka soo saaray kaga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Dowladda Somaliya, isaga oo balan qaaday Xasan Sheekh Maxamuud, hadii dib loo doorto inuu dar dargelin doono xiriirka u dhaxeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye ayaa dhinaca kale ka waramay shirar uu Mareykanka kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Dowladaha daneeya arimaha Somaliya.
“Waxaan ka wada hadalnay mucaawinada Soomaaaliya siiyaan inaan ku faraxsannahay iney iyaguna ku faraxsan yihiin muwaacinadii ay bixiyeen ay Soomaaliya caawisay, in Soomaaaliya horay u socoto, iney kasoo baxday waqtigii adkaa, in Soomaaliya matalaad u tahay caalamka kale ee dhibaatooyinka ku jira, iney tahay waddanka kaliya ee dhibaatooyinka kasoo baxaya, waan is afgarannay, muwaacinadoodana wey sii soconeysaa, waana u mahad celinay wixii hore ee ay ina tareen” Hadliye ayaa sidaasi yiri.
Dacwada Badda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysay ayaa soo dhamaatay Dhageysigeeda maalintii Jimcahii, waxaana la filayaa in maxkamad ay soo saarto go’aan ku aadan Dacwadaasi.