Ugu yaraan afar qofood oo ay carruuri ku jiraan ayaa inta la ogyahay oon ugu geeriyootay tuulooyin hoos taga degmada Balanballe ee gobolka Galguduud.
Guddoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay geerida dadkaan oo uu sheegay inay waayeen biyo ay cabaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dad kale ay halis ugu jiraan inay geeriyoodaan maadaama ay biyihii ka dhamaadeen Barkadihii degaanka.
Fuustada biyaha ah ayaa ka joogta degmada Balanballe laba boqol iyo labaatan kun oo shilin.
Guddoomiyaha degmada ayaa dowladda dhexe iyo hay’adaha samofalka ugu baaqay inay dadkaas la soo gaaraan gargaar deg deg ah si naftooda loo badbaadiyo.
Idale News Online, Balanbale.