Ku dhawaad saddex ruux ayaa ku dhimatay markii kooxo hubeysan ay qarax ku weerareen goob basaska laga raaco oo ku taala magaalada Mombasa, iyo hotel ku yaala isla magaaladaasi, sida masuuliyiin Kenyan ah ay sheegeen.
Ma jirto koox sheegatay laakiin dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaraxa ay ka dambeeyeen Alshabaabka Soomaaliya, oo horay u sheegtay masuuliyiinta weerarkii Westgate ee dalka Kenya.
Waxaana waxii xiligaasi ka dambeeyay kad hacay dalka Kenya weeraro kala duwan oo sababay in ciidamada Kenya ay raaf kula dhaqaaqaan Soomaalida ku dhaqan dalkaasi Kenya.
”Waxa dhacay wuxuu ahaa qarax lagu tuuray dadka rakaabka ah, kuwa weerarka soo qaatay mooto ayay wateen waxayna dadka oo badnaa ku weerareen qaraxyadaasi”sidaasi waxaa yiri Nelson Marwa oo ah gudoomiyaha degmada.
Wararka laga helayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in inka badan 20 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Ilaalada hotelka dhanka xeebta ku yaala ee Reef Hotel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inay ka hortageen kooxaha weerarka ku qaaday, laakiin kooxaha hubeysan ay boors ku tureen taasi oo qaraxa uu ka dhashay.
Saqafka sare ee hotelka ayaa la sheegay inay waxyeelo gaartay, iyadoo qaraxa uu sababay in qeyb ka mid darbiga dhismah uu burburay, sida wakaalada wararka Reuters ay baahisay.
Idale News Online, Mombasa.