Wallanweyn: Guddoomiyuhu Ilaalo ma Sameysan Karo, Shabaabkuna Dadka ayaa Dacwadaha u Qaada

0
208

Wallanweyn (INO) – Degmada Wallanweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose, Guddoomiyaha ayey Kooxda Shabaab u Diidday in uu Ciidamo Ilaalo ah Sameysto, Habeenkii Shabaabka ayaa ka Taliya Degmada, Maalinkiina Ciidanka DFS, Dadka Degmada ayaa markii ay is Khilaafaan Shabaabka Hareeraha Degmada Deggan u Garsoor Doonta.

Teaser Image Wallanweyn: Guddoomiyuhu Ilaalo ma Sameysan Karo, Shabaabkuna Dadka ayaa Dacwadaha u Qaada

Wariye Tegay Wallanweyn ayaa sheegay in waxa uu Halkaas kusoo Arkay ay ahaayeen kuwo aan Maskaxdu qaadi Karin, Wallanweyn oo ka mid ah Goobihii ugu horreeyay ee Ciidanka DFS ka qabsadaan Shabaabka Shabeelaha hoose ayeysan Dadku helin Goobo loogu Caddaalad falo, sidoo kale Saldhigga Degmadu ma shaqeeyo.

Kooxda Shabaab ayaa markii ay dadku isku Dhacaan oo ay is Khilaafaan uga yeerta Deegaano ku yaalla Duleedka Degmada, kuwaa oo ay ku sheegto in ay ugu kala Gar qaadeyso.

Shabaabka ayaa u sheegay Guddoomiyah Degmadaas ee DFS in uusan Illaalo Sameysan Karin, haddii uu sameysto waxaa loogu Hanjabay in la dilayo, weliba taas waa uu Aqbalay oo Gurigiisa ayuu si Caadi ah isaga tagaa, mana aha Danjire Dowladdu leedahay oo Xukunadii Dowladda halkaas ka Fulin kara.

Idale News Online – Wanleweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here