Dhageyso:Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Jubba Oo Ka Hadlay Qorshayaasha Horyaala

0
198

Kismaayo(INO)-Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jubaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka waramay waxyaabaha uu qaban doono iyo qorshayaasha horyaala gudoonka cusub ee baarlamaanka Jubaland, isagoo shegay in uu kufaraxsan yahay xilkan loo doortay iyo qaabka doorashadiisa.

xaaji

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay dhamaanba Saaxiibadiis uhambalyeyen, isagoo sheegay in ay doorashadaas udhacday si xor iyo xalaal ah, ayna muujinayso in ay Shacabka Soomaaliyeed ka soo daaleen dagaalo iyo rabshado, ayna hada diyaar uyihiin dhismaha dalkooda.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in uu shir gudoomin doono fadhiyada dhaw ee baarlamaanka, wuxuuna sheegay in ay wax badan oo shaqo ah dhawrayaan baarlamaankiisa, isagoo balan qaaday shaqo hufan oo aan laheyn khilaaf iyo har midna.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here