Wafdiga Puntland ee booqdey Kismaayo oo dadaal ugu jira dhameynta khilaafka Maamulka Jubba & Barre Hiiraale

0
195

Wafdiga ka socda maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay safarkooda Kismaayo.

Wafdigan waxa ay sheegeen in magaalada Kismaayo ay u joogaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

kismaayoKistaa

Wasiirka cadaaladda ee dowlad goboleedka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in ay sidoo kale magaalada Kismaayo u joogaan xalka dhacdo dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo oo ciidamo ka wada tirsan maamulka KMG ee Jubba ay isaga hor-yimaadeen magaalada.

Dhanka kale, wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in ay wadaan qorsheyaal ay ku wada hadlayaan maamulka Axmed Madoobe iyo garabka Barre Hiiraale.

“Annagu danaha aan u joogno Kismaayo kamid ma ahan heshiis ay gaarayaan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale” ayuu sheegay wasiirka cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame.

Wafdigani ka socda maamulka Puntland ayaa muddo todobaad ah ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.

Idale News Online, Kismaayo