Milkiila-yaasha goobaha laga cunteeyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga digay inay laba albaab sameystaan mudada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Milkiilayaasha maqaaxiyadaha laga cunteeyo ee Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa waxaa la sheegay inay xiraan albaabada hore, iyagoona sameysta albaabo dambe oo dadka ay ka soo galaan xilliga Ramadaanka.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliya Xaaji Maxamed Kheyrow, ayaa digniin adag u jeediyay milkiila-yaasha maqaaxida, xilliga bisha Ramadaan.
Agaasimaha, ayaa xusay in Ciidamada ammaanka ee Dowladda lala socodsiiyay, inay tallaabo ka qaadaan milkiilayaasha maqaaxiyadaha, haddii la arko iyagoo cuno ku iibinaaya maalmaha Ramadaanka.
Dhanka kale Xaaji Maxamed Kheyrow, ayaa waxa uu dadka Somaliyeed ee ladan uu ka codsaday inay gacan u fidiyaan walaalahooda Somaliyeed, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Xaaji Maxamed Kheyrow, ayaa waxa uu dadku xusuusiyay in wixii ay la baxaan loo lala laabi doono, isagoona ugu baaqay inay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay u baxsanayaan Aakhirada lagu waaraayo..