Dhageyso: Xasan Eelaay Wasiirka Maaliyada maamulka KG ee 3da Gobol oo gobolka Sh/Hoose maamul u sameyntiisa ka hadley

0
196

Maamulka Koonfur Galbeed ee seddexda gobal ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa ka dhawaajiyay inay dhisayaan maamullada heer degmo iyo heer gobal ee seddexda gobal.

Wasiirka Maaliyada 3da Gobolka ayaa sheegay in laga soo gudbey xiligii Xoogga, lana jooga xiligii deegaan dadka maamulkooda u wadaagi lahaayeen, mana jiri doonto ayuu yiri Xasan Eelaay in qof deegaan ah lagu dulmiyo maamulkooda haddii ay noqon lahayd gobolka Bay, Bakool ama Shabeelaha Hoose.

Waxuusa digniin u diray dadka iyagu doonaaya in  Gobolka Shabeelaha Hoose  xoog iyo sadbuursi raba inay wax ku helaan, waxuuna u sheegay dadkaasi in xoog  cidna laga yeeli doonin inay wax ku helaan, maamulkoodana ay ka go’an tahay talaabadii ku haboon iney ka qaadaan cidii maamulka ay dhisaan ka hor timaada.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/06/xasanEeley.mp3|autostart=yes]
Wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi Xasan Maxamed (Xasan Eelaay) oo ka soo jeeda Degmada Qansaxdheere gaar ahaan tuulada Kurunbood, ayaa isagoo ku sugan magaalada Baydhabo  sheegay in loo magacaabayo seddexda gobal maamullo hoos imaanaya maamulka ay dowladda ay aqoonsatay.
Koonfur galbeed

Waxaa kaloo uu sheegay in magaalada Baydhabo iyo degmada Qansax-dheere ee gobalka Bay ay ka dhacayaan dibadbaxyo lagu taageersan yahay maamulkooda seddexda gobal.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyiin kamid ah maamulka Madoobe Nuunow ee lixda gobal ay wadaan dadaallada ku aadan taageeridda bannaanbaxaasi.

Dhowaan ayay ahayd markii maamulka Shabelle State uu magaalada Marko u magacaabay guddoomiye cusub