Wafdi Ka Socday Midowga Yurub Oo Run u Sheegay Axmed Madoobe Iyo Shirkii Kismaayo Oo La Isku Haayo

0
226

Kismaaayo(INO)-Wararka aan ka helay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saaka subaxniamdii hore ay halkaas gaareen,wafdiga ka socda Midawga Yurub,kuwaas oo ka duulay Magaalada Nairobi.

Waxay wararku intaas ku darayaan in Mas’uuliyiinta Midawga Yurub ee halkaas gaaray ay Shir dag daga h Madaxtooyada Kismaayo kuwada galeen Madaxda Maamulka Jubba,Xubno IGAD oo Kismaayo sii joogay,waxaana halkaas ka socda Shir sadex geesood ah.

Warar hordha dhac ah oo aan ka helay Kismaayo ayaa tibaaxaya in Shirkan ajandihiisu yahay Qorshe Cusub oo Midawga Yurub ay wadaan kaas oo ah in la joojiyo gabi ahaanba Shirka dhismaha Baarlamaanka Jubba,maadaama ay soo baxeen Khayaamooyin iyo wax isdabo marin eedeeda dusha laga saaray Axmed Madoobe, Gabre iyo Ina Afeey.

Wafdiga Midawga Yurub ayaa waxaa banaanka Hoolka Shirka ku sugaya qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beelaha,kuwaas oo doonaya in ay kala hadlaan xaalada Cakiran ee Maamulka Jubba uu doonayo in ku dhamaystiro dhismo baarlamaan oo khilaaf culus uu ka taagan yahay.

Maamulka Jubba ayaa arinta shirkan waxay ku noqotay mid dag dag ah, maadaama wafdigan ay si kadis ah ku tageen Magaalada Kismaayo maanta, ayna ka warheleen in ay Airport-ka joogaan oo socodaalkooda aan horay loo sii ogayn.

Idale News Onlin, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here