Muqdisho(INO)-Mar sii horeysay saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay iney lahaayeen fikirkii lagu dilay Aadan Garaar oo ka mid ahaa saraakiisha Alshabaab.
Aadan Garaar, ayaa ahaa sarkaal lagu tuhmay inuu lahaa fikradii lagu weeraray dhismaha Westgate ee dalka Kenya oo ay u dhinteen inka badan 67 ruux.
Saraakiisha Kenya ayaa ku faanay iney lahaayeen qaabka lagu dilay sarkaalkaasi, laakiin waxaa soo baxaya xog ku saabsan dadkii jaajuusay Aadan Garaar.
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa saxaafada u sheegay in Aadan Garaar dilkiisa ay ka dambeeyeen xubno Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay magaalada Mombasa.
Xubnahaasi ayaa doonayay iney qarxiyaan goobo ay kamid tahay garoonka magaalada Mombasa iyo xarumo kale, iyaga oo watay gaadiid waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen.
Xubnahaasi Alshabaabka ka tirsan oo aan tiradooda la shaaciyay waxaa sirdootada ka shifay saraakiil American ah iyaga oo lagu qabtay isla magaalada Gaarisa.
Xubnaha waxay sheegeen cidda soo dirtay inuu ahaa Aadan Garaar uu ku sugnaa goobta lagu duqeeyay oo ah duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Idale News Online, Muqdisho.