Dowlada Kenya oo sirdoon caalami ah u keensatay baaritaanka Soomaalida & Meydadka

0
231

Nairobi(INO)-Sargaal sare oo ka tirsan Maamulka Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya laguna magacaabo C/xafiid Yoonis, ayaa daboolka ka qaaday in baaritaano xoog leh lagu sameynaayo dhamaan Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi, Xirooyinka qaxootiga iyo kuwa dalxiiska u jooga dalka.

FB

Waxa uu sheegay in iminka Magaalada Gaarisa iyo Nairobi lasoo gaarsiiyay Khubaro ka socota Hay’adda Dembi-baariska Maraykanka ee FBI-da, si ay Dowlada Kenya uga caawiyaan baarista weeraradii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa, waxa uuna tilmaamay in baaritaanka uu saameyn xoogan ku yeelan doono wixii sheegta Soomaali, islamarkaana ay baaritaano taa lamid ah ku sameyn doonaan Meydadka ragii weerarka qaaday.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in iminka Khubaradaasi la geeyay Jaamacada Gaarisa si ay u qiimeeyaan qaabkii uu u dhacay weerarkaasi oo lagu dilay 148-qof, waxa ayna kadib u guda gali doonaan baaritaanka lagu sameynaayo Soomaalida.

Sidoo kale, Baarayaasha FBI-da ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan baaritaanka Maydadka iyo ogaanshaha waxa ay yihiin dagaalyahaanada Alshabaab ee ku geeriyooday Hawlgalkii Jamaacada Garissa.

Dhanka kale, Baarayaasha FBI-da Maraykanka oo kaashanaaya kuwa Kenya ayaa bartamaha Nairobi iyo Gaarisa looga sameynayaa tiindhooyin lagu baaro dhacdooyinkaasi waxa uuna howlgalkaasi qaadan doona mudo Laba asbuuc ah.

Idale News Online, Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here