Xudur ( INO)-Mustaf Aadan Xuseen Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu Sheegay in Maamulkiisa ay ku Guulleysteen Xaqiijin Ammaanka Degmadaasi Xudur ee Xarunta Gobolkaasi.
Gudoomiye Ku Xigeen ayaa waxaa uu Carabka uu ku dhaftay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Sidoo kale kuwa AMISOM ee Jooga Degmadaasi ay gacan bir ah ay ku qabteen Ammaanka Tuulooyin iyo Deegaano hoostaga Degmadaasi Xudur taasina ay Fududeysay in la xaqiijo ammaanka Deegaanada hoostaga Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool , waxaa sidoo kale uu Gudoomiyaha uu Sheegay in Wada Shaqeyn Buuxda ay Ka dhaxeyso Shacabka Degmada iyo sidoo kale Saraakiisha Amniga ee Gobolka Bakool.
Mustaf Adaan Xuseen ayaa Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Saacadihii la Soo dhaafay ay Howgallo Lagu Xaqiijinayo Amaanka ay Ka Sameeyeeyeen Deegaano iyo Tuulooyin Hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool islamarkaana Hadda leysku Haleen Karo Amniga Deegaanadaasi
Muddooyinkii Danbe Saraakiisha Amniga Gobolka Bakool oo kaashanaya Maamulka Degmada Xudur Waxey Degmaadsi ka wadeen qorshe Lagu Xaqiijinayo Amniga Degmadaasi iyadoo ay Xusid Mudan Tahay in Xiliyada qaar Falal lidiga Ku ah Amaanka ay Ka dhacaan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Bakool.
Idale News Online, Xafiiska Magaalada Xudur