Dhageyso:10 Qof Oo Ku Geeriyootay iska hor imaad ka dhacay Muqdisho

0
194

Muqdisho(INO)-Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ay ku geeriyootay nawaaxiga Jaamacadii Gahayr, ka dib iska horimaad halkaasi ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badnaayeen barakacayaal, waliba haween ah, waxaana la tilmaamay in halkaasi loogu qeybinayay Kaarar raashiinka lagu qaato.

Qof ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay inuu arkay meydadka 13 qof oo haween u badan.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa inoo xaqiijiyay geerida 7 qof oo shacab ah, Lix ka mid ahna ay yihiin Haween.

Xaaladda halka ay wax ka dhaceen weli waa mid qasan, iyadoo goobta ay gaareen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here