Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay weeraradii Daacish ay sheegatay ee ka dhacay magaalada Paris Dalka Faransiiska kadib markii uu ka qeyb galay shirka Madasha Doorashada 2016 Oo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Shariif Xasan oo ka hadlayay weerarada ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkaasi oo sababay dhimashada 127 ruux oo u dhalatay dalka Faransiiska.
“Waxaan idiin sheegayaa in weerarka uu ahaa mid waxuushnimo ah, waxaan leenahay tacsi ayaan u direynaa dowlada Faransiiska haddii aan nahay dowlada koonfur galbeed Soomaaliya, dadkan waa cadow halkaan ayay dhibaato ka geysteen marka aan hal meel uga soo wada jeesano”ayuu yiri Shariif Xasan.
Dhinaca kale madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee ka qeyb galay kulan looga hadlayay nooca doorasho ee ka qabsoomi karto dalka sanadka soo socda iney ka fakaraan wax wanaagsan oo ummada Soomaaliyeed wax u tari kara.
Ugu dambeyntii, Shirkaasi oo maalintii shalay ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayaa la qorsheynayaa in maanta lagu soo gabo-gabeeyo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo