Ururka Al Shabaab oo xoogiisu uu isaga baxay deegaanka Toora Toorow

0
208

Toratora(INO)Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa xoogoodu baneeyay deegaanka Toora Toorow oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoogagii Shabaabka ee xalay qabsaday Degmada Wanlaweyn, ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii soo baneeyay deegaanka Toora Toorow.

Shabaabka, ayaa Degmada Wanlaweyn waxay ka weerareen dhinaca Koonfureed, iyagoona kaga baxay dhanka Waqooyi. Waxayna Degmadaasi ka qaateen raashiin, shidaal iyo laba gaari, iyagoona ku gubay mid kale. Shabaabka waxay dileen laba askari oo ku sugnaa Saldhiga Booliska Wanlaweyn.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay Shabaabkii ka baxay deegaanka Toora Toorow, inay gaareen deegaanada Goobaanle iyo Ceelcali.

Goobaanle iyo Ceelcali, ayaa ku yaala xadka Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana la tilmaamaa inay ku dhuumaaleystaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha, ayaa tallaabada ay Shabaabku kaga baxeen Toora Toorow wuxuu ku sheegay, iyagoo duqeymo xoogan kala kulmaayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka Mareykanka.

C/qaadir Siidii oo la hadlay xoghoose.com, ayaa tilmaamay in tiro yar oo ka tirsan dagaal-yahanada Al Shabaab, ay ku sugan yihiin Toora Toorow, isla-markaana ay kala baxeen hubkooda, gaadiidkooda iyo inta badan dagaal-yahanadooda.

Siidii, ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan guluf militari, oo ay Shabaabka kaga wada sifeynayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu yiri.

Idale News Online, Tora Toorow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here