Muqdisho (NO) –– Ugu yaraan Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday 5 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax Gaari oo Caawa Fiidkii ka dhacay banaanka Hotel Makka Al Mukarama ee Muqdisho.
Laamaha Amaanka ayaa sheegay inay qabteen mid kamid ah kuwii rabay inay Weerar Qarax Gaari ah ka fuliyaan Caawa Hotelka, balse laga hortagay.
Gaariga ayaa markii laga shakiyay waxaa joojiyay Illaada Hotelka ee kuu sugan Dhabarka danbe ee Dhismaha, waxayna rasaas ku fureen kuwii watay oo Gaari markii ay ka degaan kadib qarxay.
Ma jirta Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa illaa hadda, balse Booliska aya aBaaritaan wado.
Idale News Online – Muqdisho