DFS oo Gudiga Doorasho dhisaysa, Dalka Doorasho maka dhici kartaa 2016?

0
240

Muqdisho (INO) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanta shaacisay inay billaabatay Dhismaha Gudiga Doorashooyinka dalka 2016.

Teaser Image Dhageyso: DFS oo Gudiga Doorasho dhisaysa - Dalka Doorasho maka dhici kartaa 2016?

“Maanta waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu dhawaaqeysaa inay furan yihiin Qabashada Codsiga Dadka doonaya inay kamid noqdaan Gudiga Doorashooyinka, oo ay sidoo kale barbar socon doonto Dhismaha Gudiga Xaduudaha Dalka,” ayuu yiri Wasiir Dowlahha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/rashiid Maxamed Maxamuud “Xidig”.

Wuxuu tilmaamay in Dhismaha Labadan Gudi Qaran ay horseed u noqon doonaan inay dalka ka dhacdo Doorasho “Qof iyo Codkiisa ah” marka la gaaro 2016 oo Waqti ka yar Labo Sano ka harsan tahay.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya horay u meel mariyay in la dhiso Gudiyada Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Dalka iyo Gudiga Soodimaha, kuwaas oo Muhiim u ah Dalka in uu yeesho si loo gaaro Hiigsiga 2016-ka.

Sidaan la socon wali dalka si rasmi ah loogama hergelin Nidaamka Federaalka ah sidoo kalena Kooxda Al shabaab lagama saarin Guud ahaan Gobolada dalka ee la doonayo inay Doorashooyinka ka dhacaan.

Idale News Online –  Muqdisho