M/weynaha Kenya Uhuro Kenyata, ayaa sheegay ineey sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo dadka Soomaaliyeed.
Uhuro ayaa ka dhawaajiyay in Soomaalida ay doonayaan, ineey Kenya u bur buriyaan sidii ay dalkooda usoo bur buriyeen oo kale.
“Soomaaliya waa dal aan dawlad laheyn muddo dheer, marka Soomaalidu waxay doonayaan inay dalkeenna u bur-buriyaan sidii ay dalkooda u burburiyeen marka waan iska celinaynaa” ayuu yiri Uhuro Kenyata.
“Soomaalidu markii dalkoodu burburay waxay u kala firxadeen dalal badan oo ay ka mid tahay Kenya, waxayna billaabeen inay isku dayaan inay dalalkaas burburiyaan, go’aanka aan dalkeenna uga saarayno dadka sharci-darrada ah waa inaanay u helin fursad inay dalkeenna burburiyaan” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.
Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya Tacadiyada ay ciidamada Kenya u geeysanayaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo doraad Garoonka Jomo Kenyata ay ku geeriyootay Hooyo ay si xun u garaaceen ciidamada Kenya.
Idale News Online, Nairobi.