Doorashadii Madaxtinimada dalka Aljeeriya oo mar dhawayd la soo gaba gabeeyay tirinteeda, ayaa natiijooyinka hor dhaca ah ee gudida doorashooyinku soo saareen muujinayaan in boqolkiiba sideetan shacabka dalkaasi doorteen oo codkooda siiyeen Madaxweyne Cabdi Casiis Botofliiqa.
Cabdi Casiis Botofliiqa oo muddo lix bilood ah dalkaas dibada kaga maqnaa, lana sheegay in xaalad caafimaad awgeed uu hawlihiisa u gudan kari waayay, ayaa dib u soo noqday maalmo yar ka hor intaan doorashadu dhicin, waxaanu codkiisa dhiibtay isagoo lagu riixayo kursiga dadka naafada ahi adeegsadaan.
Dadka reer Aljeeriya oo iyagu dhibaatooyin badan kala soo kulmay doorashooyin hore dalkaas uga dhacay, ayaa sababta codkooda ay u siiyeen ninkan gabowga iyo caafimaad daradu isugu biirtay ku tilmaamay in ay u bogeen talaabooyinka uu ka qaaday ammaanka iyo deganaanshaha dalkooda, kooxaha ka soo hor jeeda Botofliiqa ayaa natiijadan ku tilmaamay mid ceeb ku ah dalkaas isla markaana muujinaysa in aanay xor iyo xalaal midna ahayn.
Idale News, Online, Al-Jeria.