Dhageyso: Aragtida dalka Somalia inuu yeesho afar dowlad goboleed oo xoogeysatey

0
206
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/04/20.mp3|autostart=yes]

Max’uud Cabdi Xasan “Beekoos” oo ah Xildhibaan ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya isla markaasna ka soo jeedo gobolka Jubbada Hoose magaaladiisa Kismaayo ayaa sheegay in dalku u baahan yahay afar maamul goboleed iyo caasimada magaalada Muqdisho oo lahaaneysa maqaan gooni ah oo dadka u dhaxeysa.

Xildhibaanka oo la hadlaayey mid ka mid idaacadaha maxaliga ee dalka ayaa sheegay in dalku uusan marnaba u baahneyn maamulo tiro badan hase ahaatee ay  haboontahay in laga shaqeeyo sidii dalka oo idil looga sameyn lahaa afar maamul, Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Midland.

Beekoos ayaa sidoo kale dhaliilay safarka Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh iyo howsha uu halkaasi ka wado, waxuuna sheegay in gobolka Jubbada Hoose uu hoostago maamulka Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed, sidoo kalena hogaamiyaha kooxda Raaskambooni ee haatan ka talisa magaalada Kismaayo ku tilmaamey maamul xoog ku yimid oo aan dadka deegaanka jooga aan haba  yaraatee taageero ka haysan.

Madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka iyo guud ahaan barlamaanka ayaa isku qilaafsan habka ugu haboon ee dalku u yeelan lahaa maamul goboleedyo ku salaysan qaab deegaan. Waxaase soo badaneysa aragtida ku aadan in dalku yeesho 4 dowlad goboleed oo kala ah Somaliland, SouthWest, Puntland iyo Midland, halka caasimada Magaalada Muqdishana ay noqoneyso xaruntii dhexe ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Beekoos

Idale News Online