Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa sheegay in colaada ka aloosan degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo maamulkiisa uu ka qeyb qaatay sidii loo qaboojin lahaa.
Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in wafdi heer caalami ah oo maamulka ka tirsan uu u diray Gedo si dadka walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan.
“Madaxweyne ku xigeenka Fartaag ayaa Gedo ku sugan oo halkaa u aaday xal u helidda wixii Baladxaawo ka dhacay, seddexdan gobalna maamulkayga ayaa ka taliya” sidaasi waxaa yiri hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe.
Hadalka ka soo yeeray Axmed Islaam Madoobe ayaa ku soo aadaya xili guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu sheegay in cidda abaabushay dagaalkii Baladxaawo laga doonayo ninay qaado masuuliyadda khasaaraha dagaalkaa ka dhashay.
Idale News Online, Kismaayo.