Cabdixakiim Xaaji Maxamed Fiqi wasiirkii hore ee gashaan dhigga Somaliya ayaa ka hadlay xaaladda ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Fiqi oo iminka ku sugan Dalka Maraykanka oo war baahinta Caalamka waraysi siiyay ayaa amaan u soo jeediyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay in ay yihiin Ciidamo ay ku dheehan tahay Dareen waddaniyadeed.
Mar uu Fiqi ka hadlayay Tirada, Tayada iyo awoodda Ciidanka ayuu sheegey in ay yihiin kuwo la isku halleyn karo wax badana ka bedeli mustaqbalka amni ee Soomaaliya.
Cabdixakiim Xaaji Maxamed Fiqi ayaa qiray in weli ay jirto dhaliil dhinaca ciidanka oo aan is dhexx gali Karin ah isagoona hoosta ka xarriiqay in Askeriga jooga Baydhabo uusan ka hawl gali Karin Gaalkacyo, midka Kismaaya joogana uusan Xamar ka hawl gali Karin.
Wasiirkii hore ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in hawlahaasi ay soo dhamaan doonaan marka la helo Maamul hagaagsan.
Tababarka ay qabaan Ciidanku ayuu sheegay Fiqi inuu yahay mid aad u taya wanaagsan isagoona farta ku fiiqay in labadii mar ee uu xilka Wasaaradda soo qabtay inuu wax badan ku kordhiyay Tayada Ciidanka iyo Tababarkoodaba.
Si kastaba hadalka Wasiirkii hore ayaa imaanaya xilli weli la dhihi karo waxaa jira iska hor imaadyo mar mar ciidanka soo kala dhax gasha iyadoo dhacdadii u danbeyseyna ay shalay ka dhacday degaanka War-maxan halkaasoo sarkaal ciidanka ka tirsanaa uu ku dhintay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dawladda oo arrimo Isbaaro isku maan dhaafay.
Idale News Online.