Dhageyso: Ciidamada Alpha Group oo xalay rag ka tirsan Al Shabaab ku qabtay Magaalada Muqdisho.

0
248

Ciidanka Alpha Group oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran, ayaa waxay xalay hawlgal gaar ah ay ka fuliyeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Halkan ka Dhageyso.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20609.mp3|autostart=yes]

Ciidamadaan oo watay gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, ayaa waxay isku fidiyeen labada Buundo, ee ku yaala inta u dhaxeyso Waaberi iyo Xamar Jajab, waxayna ku soo qab qabteen rag laga shakisan yahay.

Waxay Ciidamada Alpha Group gudaha u galeen guryo dhowr ah oo ku yaala labada Buundo dhexdooda, waxayna kala soo baxayn niman lagu sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada, ayaa waxay raggaan u kaxeysteen dhinaca Xarunta Hay’adda Nabad Suggida, oo ku taala Degmada C/casiis, si halkaasi baaritaano ballaaran loogu marsiiyo.

Qorshaha raggaan lagu soo qabtay, ayaa waxa uu ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay, isla-markaana Ciidamada Alpha Group oo wejiyada ay u duuban yihiin, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo si taxadar leh u fulinaaya.

2-dii maalmood ee ugu dambeysay, ayaa waxay labada Ciidan ay xoojiyeen hawlgalada qorsheysan, ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Gaashaan

Idale News Online, Muqdisho.