Warar deg deg ah oo haatan nagasoo gaaraya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhowayd qarax ismiidaamin ah lagu dilay allaha unaxariistee taliyihii ciidanka booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare C/raxmaan Cali Cabaas (Mulsim) .
Weerarkaan ayaa ka dhacay sida sheegayaa wararka ay helayso Puntlandi.comxarunta qeybta booliska gobolka Bari ee magaalada Bosaso kadib markii nin isisoo miidaamiyay uu gaari la galay xarunta ciidanka xilligaas oo ay ku sugnaayeen taliyaha iyo ilaaladiisa.
Waxaa la sheegayaa inay jiraan qasaaro kale oo soo gaaray ciidanka laakiin macadde inta ay le egtahay.
Majirto faafaahin intaas kabadan oo ku saabsan xogta weerarkaan laakiin wararkeena soo socda ayaan idinkugusoo gudbin doonaa insha allah