Wafdi Balaaran oo maamulka 3da Gobol ee KG Soomaaliya ayaa gaarey Magaalada Baydhabo Janaay.

0
175

 Wefdi Balaaran oo Hogaminayo Mid ka ah saxiixayaashii heshiiskii maamul u sameynta 3da gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya . odayaal iyo qaar ka mid ah wasiiradii ka tirsanaa Maamulkaasi ayaa ayaa gaarey garoonka Caalamiga Ee Shaatiguduud.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay maanta , iyadoo ciidamo la dhigay wadooyinka magaalada xili ay halkaasi gaarayaan Saxiixayaasha Maamulka koofur galbeed,  Ee 3da Gobol. AMISOM ayaa u muuqata iney garab siiyeen mid ka mid ah garabyada isku haaya siyaasada labada maamul ee is diidan, waxaana la arkaayey gaadiid iyo baabuurta kale ee dagaalka ay leeyihiin qaar ka mid ah maleeshiyaadka taageersan beelaha oo gaaf wareegaayey ka hor inta aysan magaalada soo gaarin wafdiga 3da gobol iyo 11 xubnood oo technical committee dowladda Muqdisho ay soo magacowday.

Saxiixayaasha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah C/fitaax Geeseey iyo Sidoo kale Madaxweyne  Maxamed Xaaji Cabadinuur Madeer oo labadaba ku heshiiyay hal Maamul, waxaana ay halkaasi u tagayaan si loo sii ambaqaado dhismaha Maamulka.

Arrinta la xiriirta adkeynta amaanka magaalada ayaa loo sababeeyay ka hortaga qalaalso ka dhaca magaalada maadaama wali dhinac ka mid ah Maamulka 6 gobalka ay ku adkeysanayaan in ay yihiin Maamulka sharciga ah.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa Aqoonsatay Maamulka koofur galbeed Soomaaliya, waxaana ay magacaawday Gudi kasoo shaqeeya dhismaha Maamulkaasi.

 
Madeer

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.