Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Joojisay Duulimaadyada oga imaanaya Galbeedka Afrika.

0
192

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan Dalka Mareeykanka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba joojiysay Duulimaadyadii oga imaanayey Galbeedka Afrika oo uu ka jiro Cudurka Ebola.

Teaser Image Dowladda oo sheegtay in ay Joojisay Duulimaadyada oga imaanaya Galbeedka Afrika

Xasan Sheik Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Arrintaas oga goleedahay faafida  Cudurka Halistaa ee Ebola in Dalka Soomaaliya uu san ku soo Fidin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay dib u celisay Ciidamo ka tirsan Dowladda Sierra lion oo qeyb ka ah Howlagalka AMISOM,kuwaas oo looga shakiyey in ay Qabaan Feeriska Ebola.

Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ayey u lahadashay Dowladda Sierra lion,waxaan ka wada hadalnay in Ciidamadeeda  la hakiyo tan iyo inta laga Ciribtirayo Cudrka Ebola ee Dalkeeda ka jira,weyna naga Aqbaleen”ayuu yiri Xasann Sh.

Dalal badan oo ka mid ah Galbeedka Afrika ayaa waxaa ka jira Cudurka Ebola,waxaana Shirka ka soconaya Dalka Mareykanka ee u dhaxeeya  Madaxweyneyaasha Afrika iyo Mareykanka lagu wadaa in lagu soo hadal qaado qatarta Curuka Ebola.

Idale News  Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.