Soomaaliya oo lagu Daray Liiska lagu Jirdilo Dadka lagu Tuhun san yahay …

0
202

Warbixin qaadatay mudo 4-sano ah xog aruurinteeda,ayaa lagu soo gudbiyay in wadamo farabadan oo Somali ay kamitahay lagu jirdlo raga looga shakiyo argagixisanimada.

Wadamada hoostaga ururka jaamacdaa arabta ayaa iyagu lasheegay iney yihiin kuwa ugu badan ee CIA mareykanku ay kasameeyaan howlgalo qarsoodi ah ,wadamadaasna waxaa kamid ah Jordan, Egypt, Syria, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Somalia Algeria, Morocco, Libya, Yemen and Mauretania waxaana soo raaci kara wadanka Turkiye.

Somalia ayaa lasheegay oo aan lahayn nidaam saxsan in iyadu ay tahay mid aad ugu daran dhanka jirdilka raga alqaacida looga shakiyo.

Senator Diane Feinstein, oo kamid ah gudiga Muqaabaraadka  mareykanka yaa sheegay in CIA mareykanku ay fuliyaan howlgalo qarsoodi ah wuxuuna tilmaamay in CIA-du xitaa ay kuxadgudubto arimaha uqaaska ah Golaha Congress-ka mareykanka.

Warbixintan oo ka koobneyd dhowr iyo toban bog  ayaa lagu soo gabangabeeyay in CIA-da mareykanka ay  si maldahan uga shaqeeso wadamada Somalia ay kamitahay.

somali

Idale News  Online, Muqdisho.