Kulankii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ayey hogaamiyayaasha dalalka IGAD uga hadleen xaalada dalka Sudaanta Koonfureed.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salfakiir iyo Hogaamiyaha la dagaalama Riek Machar ayaa ku heshiiyey in muddo 60 maalmood gudaheed ah kusoo dhisaan dowlad kumeel gaar ah.
Hadii ay tani dhici weydo waxay dalalka IGAD sheegeen inay tilaabo ka qaadi doonaan labada dhinac eek u dagaalamaya dalkaasi Suudaanta Koonfureed.
Labada garab ayaa 9kii bisha May saxiixday heshiis xabad joojin ah balse, xabad joojintaasi ayey jabiyeen saacado kadib markii ay ku saxiixeen magaalada Addis Ababa.
Urur gobaleedka IGAD ayaa sheegay in wadahadalka nabada ee Suudaanta koonfureed ee soo socday ay ku kaceen 17 milyan oo dollar, isla markaana aan natiijo fiican illaa iyo hada laga gaarin.
Wakhtiga loo qabtay labada hogaamiye inay kusoo dhisaan dowlad kumeelgaar ah ayey aqbaleen wallow aan la saadaalin Karin sida ay u hirgelin doonaan.
Hogaamiyayaashii shirka Addis Ababa ka qeyb galay ayaa waxaa kamid ahaa Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.