Wasiir Qoorsheel ayaa inta uu san ka Amba bixin garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa uu Warbaahinta u sheegay in shirka Duulista Hawada Adduunka looga hadlayo arrimo badan oo ay Soomaaliya ku jirto, isagoo intaa ku daray in uu kulamo gaar ah la qaadan doono Madaxda Hay’adda adduunka u qaabilsan duulista Hawada oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan International Civil Aviation Organization (ICAO).
Wasiirka Gaadiidka iyoDuulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa xusay in waxyaabaha uu kala hadlayo ay tahay sidii dowladda loogu soo wareejin lahaa maamulidda hawada Soomaaliya oo iminka laga maamulo xafiska ay hay’addaasi ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, si uu u helo macluumaad buuxa oo ku saabsan howsha ay hayaan.