Shirka Copenhagen oo aysan ka soo qaygalin dalal muhiim

0
219

Waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark ka furmaya Arbacada beri shirweynaha New Deal oo looga hadlayo taageerida dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid ay soo diyaariyeen Midowga Yurub iyo dowlada Denmark ayaa lagu waday inay kasoo qeyb galaan dalal badan oo kamid ah kuwa deeqda siiya dowlada Soomaaliya, hay’adaha ka shaqeeya dalka iyo waliba maamulada kala duwan ee Soomaaliya.

image

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu guddoonka shirka kamid noqdo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, iyadoo fursad u ahayd dowlada Soomaaliya kusoo bandhigto qorshaheeda sanadada soo socda.

 

Hase yeeshee dowlada Maraykanka oo ahayd tan ugu muhiimsan ee saameynta kuleh dalalka deeqda bixiya ayaa sheegtay inaysan kasoo qeyb geli doonin shirkan, taasi oo la filayo ama laga cabsi qabo in ay sidoo kale ku daydaan dalal kale oo shirka kasoo qeyb gali lahaa.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si weyn u dhaliilay isqab-qabsiga iyo khilaafka siyaasadeed ee soo dhexgalay hogaanka dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maqnaanshaha dalalka qaarkood ayaa astaan u ah sida Beesha Caalamka xiligan uu dhaliilsan tahay meesha uu marayo qorshihii lagu talo galay illaa 2016 inay qabato dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah tii ugu horeysay oo aqoonsi caalami ah heshay arrintaasi oo ay horseeday aqoonsigii Maraykanka u fidiyey.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah dhowr wasiir oo dhamaantood ah kuwa la sheegay inay la garab yihiin Madaxweyne Xassan, isla markaana kamid ahaa kuwii u jeediyey Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed inuu iscasilo.

Waxaan wafdiga dowlada Federaalka Soomaaliya ka dhex muuqan Wasiirada iyo saraakiisha la tuhunsan yahay inay taageero u hayaan Raysalwasaaraha.

Arrintan ayaa muujineysa khilaafka ka dhex jira dowlada Federaalka heerka uu gaarsiisan yahay, halka dadka qaar ay hadal hayaan khilaafkii ka jiray Muqdisho oo loo soo raray shirka Copenhagen.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in maamulada ka jira Soomaaliya ay shirkan kasoo qeyb galaan, waxaana safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyey xubno ka socda maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb.

Sidoo kale maamulada Juba iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in xubno ka socda ay ka qeyb geli doonaan shirkan.

Dowlada Puntland ayaa wafdi heer wasiiro ah usoo dirtay shirkan, halkan aysan weli cadeyn in Somaliland ka qeyb geli doonto shirka beri ka furmay Copenhagen.

Dowlada Denmark ayaa joojisay shir lagu waday maanta oo Talaada ah 18ka bisha November in ay wadayeeshaan Jaaliyadaha Soomaalida, deeqbixiyayaasha iyo Dowlada Soomaaliya, shirkaasi ayaa loo joojiyey arrimo la xariira deeqbixiyayaal muhiim ah oo shirkaasi laga casumay oo intooda badan sheegay inay ka baaqdeen imaanshaha Copenhagen.

Hoos u dhaca ku yimid rajadii laga qabay shirka New Deal ayaa lagu tilmaamay mid dhabar jab ku ah ummada Soomaaliyeed iyo waliba dib u dhiska dalka Soomaaliya