Wasaaradda Arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in colaad iyo iska horkeen ka dhex abuurayso shacabka wada degan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.
Heero ayaa tilmaamay in wasiir goodax uu aad ugu qaldanaa aqoonsashada Shariif Xasan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.
Tani waxa uu ku micneeyay aqoonyahankaan in ay tahay iska hore keen iyo isku shacabka wada degan magaalada Baydhaba oo qaarkood uu sheegay aragti ahaan inaysan rabin Shariif Xasan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wasiirka Arimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in ka wasaarad ahaan uu aqoonsanyahay doorashadii lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayna la shaqeyn doonaan.