Dowlada Maraykanka oo doorashadda Shariif Xasan mid xalaal ah ku tilmaamay

0
230

Nairobi(INO)-ergeyga Mareykanka u qaabilsan Somaaliya James P. McAnulty ayaa waxaa uu soo dhaweynayaa doorashadda dhacday November 17, taasi oo madaxweynaha  maamulka ku meel-gaarka ee koonfur galbeed loogu doortay Sharif  Hassan Sheikh Adan.

Maamullka ku meel gaarka ee Konfur Galbeed ayaa ka kooban Bay, Bakool iyo Shabelladda Hoose.

American-Flag

Dowladda Mareykanka waxay u hanbalyeyneynaa dhamaaan qeybaha kala duwan ee ka qeybqaatay wadahadaladdi socdey bilooyinkii la soo dhaafay, kuwaasi oo surtagaliyey in doorasho nidaamsan ay dhacdo.

Waxaan kaloo aqoonsanahay doorka ay dowladda federalka ka qaadatey surtagalinta maamul dhisiddan iyo dib u heeshisinta guud. Waxaana ku boorineynaa dowladda federalka inay sii wadoo surtagalinta higsiga 2016 oo ay ka mid tahay maamul u sameynta gobaladda.

“Dowladda Mareykanka waxay soo dhoweyneysaa doorashadan taarikhiga ah, waxayna ku boorineysaa madaxda mamulka kumeel-gaarka ee Konfur galbeed inay tabaha u dhigaan maamul ay u wada dhanyihiin dadka deegaanka, kana bahi tiro dhamaan alaadaha ay u baahanyihin dadka goboladddan dago. Waxaan kaloo ku dhiiragalineynaa maamulka  ku meelgaarka ee waqooyi galbeed inay wada shaqeyn iyo la tashi la sameeyaan dowladda federalka si loo suurtagaliyo in mustaqbalka maamul goboleed kamid ah dowladda federal uu ka dhasho gobolka,” ayuu yiri Ergeyga Mareykanka ee Somalia, James McAnulty.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda Soomaliya iyo shaabka Soomalida, waxay taageereysaa in Somaaliya ay gaarto nabada buuxda iyo mustaqbal barwaaqo u sida shacabka Somaaliyeed.

Idale  News Online, Nairobi, Kenya