Shir Madaxeedka Midowga Afrika Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Addis Ababa Ee Dalka itoobiya

0
212

Muqdisho(SHL-NEWS)-Shir madaxeedka 24aad ee Madaxweynayaasha ururka Midowga Africa ayaa saakay ka furmaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

african-union-summit

Madaxweynayaasha iyo masuuliyiin kale oo matalaya dalalka xubnaha ka ah ururka Midnimada Africa ee AU, oo uu ku jiro Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shirkan .

Inkastoo hal ku dhegga shir madaxeedka sanadkan 2015ka uu yahay xoojinta dumarka,  ayaa haddana colaadda meelo kala duwan oo qaaradda ah ka jirta,, gaar ahaan gacan ka hadalka kooxda Boko Xaram ee dalka Nigeria, iyo  dadaalada loogu jiro xakameynta cudurka Ebola ay yihiin  agendayaasha ugu waaweyn ee  shir madaxeedka.

Shalayna waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacay shir ay lahaayeen madaxweynayaasha urur goboleedka IGAd.

Shirkaas oo ay albaabada u xiraayeen waxaa agendaha looga hadlayay uu ahaa xaaladda Suudaanta Koonfureed.

 Idale News, Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here