Sinaay(INO)-Inta la Ogyahay 26 qof ayaa ku dhimatay rabshada ka dhacay gobalka Waqooyiga Gobolka Sinaay ee dalka Masar kadib markii kooxa mintidiin ah ay weerara soo qaadeen. Inta badan kuwa dhintay waxa ay ka tirsanyihiin xoogagga amniga iyo weliba dad rayid ah.
Sidoo kale Bara koontorool iyo saldhigyada milatariga iyo baliiska dhowr magaalooyin ayaa lagu weeraray hoobiyayaal, rasaas iyo ugu yaraan hal gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Rabashadaha ugu badan waxa ay ka dhaceen magaalo madaxda gobalkaasi waqooyiga ee Al cariish.Koox xariir la leh kuwa la magac baxay Dawaladda Islaamiga, ayaa sheegay in ay ka dambaysay weerarka.
Ugu Dambeyntii Rabshadaha ayaa sii xoogaystay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi sanaddii 2013-ka.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Sinay